Axmed Madoobe oo goordhaw lagu soo dhaweeyay magaalada Muqdisho

Bulsha:- Madaxweynaha maamul goboleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) iyo wafdi uu hogaaminayay ayaa goordhaw kasoo degay garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho.

Xildhibaano ,Wasiiro iyo masuuliyiin kale oo dowlada federaalka Soomaaliya katirsan ayaa garoonka diyaaradaha Aadan Cadde kusoo dhaweeyay Wafdiga uu hogaaminayay Madaxweynaha Jubbaland.

Sida aan Wararka ku heleyno Madaxweynaha Jubbaland iyo Wafdigiisa oo maalmo joogaya magaalada Muqdisho ayaa la dejiyay guri ku agyaala xarunta Madaxtooyada Soomaaliya, halka markii hore marka uu Muqdisho yimaado degi jiray xarunta Nabad Sugida.

Axmed Madoobe ayaa la filayaa inta uu magaalada Muqdisho joogo la kulmo madaxda dowlada Federaalka Soomaaliya, waxaana wararka soo baxaya sheegayaan in la dhameenayo heshiisyo si hoose u gaareen Dowlada federaalka iyo Axmed Madoobe.
Madaxweynaha Jubbaland ayaa mudo dhowr bil ah aan imaan magaalada Muqdisho kadib markii shir ka dhacay magaalada Kismaayo maamul goboleedyada ku shaaciyeen in xiriirka u jareen dowlada federaalka Soomaaliya.










Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment