Dagaal ka dhan ah Al Shabaab oo la iclaamiyay iyo xiliga uu bilaabanayo oo …

Bulsha:- Golaha ammaanka iyo nabadgelyada Midowga Afrika ayaa isku raacay in si deg deg ah loo bilaabo dagaal ka dhan ah kooxda Al Shabaab oo wali awood ku leh qeybo badan oo kamid ah Soomaaliya.

Howlgalo ka dhan ah Al Shabaab oo loogu magac daray aragtida hawlgalka ayaa waxaa ansixiyay Golaha ammaanka iyo nabadgelyada Midowga Afrika, waxaana howlgalkan la shaaciyay in uu bilaabanayo bisha koobaad ee sanadka cusub ee 2019-ka.

Dagaalka ka dhanka ah Al Shabaab ee la iclaamiyay ayaa ka bilaabanaya deegaanada maamulka Jubbaland gaar ahaan Jubooyinka, waxaa sidoo kale howlgalkan laga fulinayaa gobolo kale ay kamid yihiin Gedo, Baay iyo Shabeelaha Hoose.

Afhayeenka Howlgalka AMISOM ee Soomaaliya, Richard Omwega ayaa sheegay in hawlgalkan uu billaabanayo bisha 1aad ee sanadka cusub islamarkaana kaliya uu sugayo ansixinta Midowga Afrika iyo waddamada ay Ciidamada ka joogaan Soomaaliya.
Howlgalkan cusub ee bilaabanaya ayaa qeyb ka ah qorshaha amniga dalka loogu wareejinayo dowladda Federaalka ah, waxaana howlgalkan si wadajir ah u fulinaya Ciidamada AMISOM , kuwa dowlada iyo ciidamada kale ee maamul goboleedyada.










Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment