Inta la xaqiijiyay dad gaaraya 200-qof ayaa ku dhintay Tsunamiga ku dhuftay dalka Indonesia, waxaa sidoo kale ku dhaawacmay boqolaal qof oo kale oo qaarkood xaalad halis ah ku jiraan, waxaa sidoo kale jira dad aan la heyn nolol iyo geeri.
Guryo, Hoteelo iyo dhismayaal kale oo badan ayaa ku dumay dhulgariirka iyo duufaanta Tsunamniga ee ku dhuftay xeebo kuyaala dalka Indonesia, waxaana dadka ugu badan ee dhintay ay joogeen dhul xeebeed.
Dhul gariirka ku dhuftay qeybo kamid ah dalka Indonesia ayaa la sheegay in ay sababtay fulkaano badda hoosteeda ka qaraxday , waxaana fulkaanadaasi ka dhashay dhul gariir iyo duufaano xoogan.

Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:
Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Blogger Comment
Facebook Comment