Turkiga oo ku dhawaaqay war cusub oo ku saabsan kiiska Jamal Khaashuqji

Bulsha:- Wasiirka arrimaha dibedda Turkiga Mevlut Cavusoglu ayaa maanta sheegay in dowladdiisa ay hayso xog cusub oo ku saabsan dilka weriyaha Sacuudiga Jamaal Khaashuqji, islamarkaana ay dadweynaha usoo bandhigi doonaan caddeymaha, kadib markii baaritaanka kiiskan lasoo geba gebeeyey.

Isaga oo ka hadlayey dalka Japan, oo uu safar ku joogo, ayaa Cavusoglu waxa uu weriyayaasha u sheegay in Turkiga ay Sacuudiga iyo dalalka kale ee danaynaya arrintan siiyeen fursad ay ku arkaan caddeymaha.

Khaashuqji ayaa geeriyooday labadii October kadib markii uu galay qunsuliyadda Sacuudiga ee Istanbul.

Cavusoglu ayaa sheegay in kadib wada-hadallo dhowr ah oo dhex maray boqor Salmaan-ka Sacuudiga iyo madaxweynaha Turkiga Erdogan, in Turkiga uu rumeysan yahay in boqorka uusan wax lug ah ku lahayn dilka.

Hase yeeshee Cavusoglu ayaa yiri inay caddahay in 15-ka nin ee Turkiga u tagey inay dilka fuliyaan aysan kaligood sameeeyeen ficilkan, sidaas darteedna baarayaasha ay doonayaan inay ogaadaan qofka amarka siiyey.
Ilaa hadda lama hayo meydka Khaashuqji, waxaana wiilashiisa oo Axadii la hadlay taleefishinka CNN ay ka codsadeen Sacuudiga inay keenaan meydka, si loogu aaso magaalada barakeysan ee Medina.

Dhinaca kale sarkaal Turkish ah ayaa u sheegay wargeyska Daily Sabah ee Turkiga in khabiir kiimiko oo lagu magacaabo Ahmad Abdulaziz al-Janobi iyo khabiir qabailsan suntan, Khaled Yahya al-Zahrani ay Sacuudiga usoo direen qunsuliyadda intii u dhaxeysay 11-kii ilaa 17-kii October, si ay u qariyaan caddeymaha dilka.










Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment