Imaaraadka oo shaaca ka qaaday xiliga uu shaqo bilaabayo Saldhiga Meletari ee Berbera

Bulsha:- Dowladda Imaaraadka Carabta sheegtay in uu bartamaha sanadka soo socda ee 2019 ka shaqo billaabi doono Saldhigga Milatari ee ay ka dhiseyo Magaalada Berbera.

Wargeyska Bloomberg ayaa oo soo xiganaya saraakiil ka mid ah dowladda Imaaraadka Carabta iyo mas’uuliyiin ka mid ah Maamulka Somaliland ayaa sheegay in saldhigga uu si rasmi ah u shaqo billaabi doono Bisha June ee sanadka soo socda.

Waxa ay saraakiishaas u sheegeen Wargeyska in Saldhigga dhismahiisa mar hore billowday islamarkaana lagu xiray hadda qalabka wax basaasa sida Kaamirooyinka loo yaqaan CCTV ee dhaq dhaqaaqa lagala socdo.

Waxaa kale oo ay sheegeen in Saldhigga lagu xiray Diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee iyana xambaarsan Kaamirooyinka kuwaas oo ilaalin doona masaafo dhan 800km oo ah hareeraha Saldhigga ee Badda,waxaana laga hortagayaa kalluumeysiga sharci darrada ah,Burcad Badeedda iyo waxyaabaha kale ee caqabad ku noqon kara shaqada Saldhigga.

Abdulla Darwish, oo ah Agaasimaha Sharikadda Dhismaha ee Sharjah ,ayaa sheegay in sharikaddiisa ay ku guuleysatay qandaraaska dhismaha saldhigga oo ku kacaya $90Milyan oo doollar islamarkaana ka hor bisha June ay shaqada dhameyn doonaan.

Wakiilkii hore ee Somaliland u joogay Dubai Baashe Moorgan ayaa isaguna sheegay in Saldhigga lagala soconayo dhaq dhaqaaqa gacanka Baabal Mandab,Kanaalka Zuweys, Dekadda Casab ee Eritrea oo uu Imaaraadka maamulo sidaasna uu saldhigga ku noqonayo mid uu ka faa’ideysto Gobolka oo dhan.
Wargeyska Bloomberg ayaa isku dayay in arrintan uu sidoo kale wax ka weydiiyo Dowladda Itoobiya,waxaana Afhayeenka Wasaaradda arrimaha dibadda Itoobiya Males Alem uu ka jawaabi waayay labo wicitaan iyo labo farriin qoraaleed oo uu Wargeyska u diray.










Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment