Bulsha:- Warbaahinta dowladda federaalka ah gaar ahaan Radio Muqdisho ayaa daabacay in magaalada Jilib ee Gobalka Jubbada dhexe lagu burburiyey raadiyaha Al-shabaab ee Andolus, ka dib duqayn xoog leh oo xalay ka dhacday magaaladaasi.
Duqayntan ayey sheegtay in lagu bartilmaameedsaday xarumo dhowr ah oo Al-Shabaab ah, iyada oo si gaar ah loo duqeeyey Raadiyaha Andolus.
Warbixinta Radio Muqdisho waxaa lagu xusay in shaqaale ka tirsan Raadiyaha Andolus ay ku jireen gudaha xilliga la bartilmaameedsaday, Jibril ayaa ka mid aha dadka halkaasi ku dhaawacmay.

Bulsha news uma suuro-gelin inay si madaxbannaan u xaqiijiso warkan ku saabsan duqeynta ka dhacday magaalada Jilib.
Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:
Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Blogger Comment
Facebook Comment