Bulsha:- Dad Shacab ah oo ka careysan dhacdadii shalay ciidamada AMISOM dadka rayidka ahaa ku laayeen ayaa is hor istaagan ciidamo wata gaadiidka AMISOM oo marayay isgoyska Tarabuunka.
Ciidamadaan ayaa muddo daqiiqado ah ku xayirnaa isgoyska oo dad badan ay u diidaan inay gudbaan, waxaana ay ku banaanbaxeen goobta ay ku celiyeen ciidamada AMISOM iyaga oo ku dhawaaqayo erayo ka dhan ah AMISOM.
Muddo markii ciidamada ay ku xayirnaayeen isgoyska ayaa kadib waxay fureen rasaas badan oo ay dadka isaga kala ceyrinayeen, waxaana markii dadka ay ka carareen rasaasta ay isaga baxsadeen goobta.
Ma jirto cid waxyeelo ay kasoo gaartay rasaasta ciidamada AMISOM shacabka ku fureen, waxaana hadda degen xaaladda isgoyska Tarabuunka.
AMISOM ayaa shalay afar ruux oo rayid ah ku dishay Xaafadda SOS ee magaalada Muqdisho.

Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:
Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Blogger Comment
Facebook Comment