War Naxdin Badan:- Haweenay lagu dhex dilay gurigeeda Magaalada Baydhabo

Bulsha:- Wararka inaga soo gaaraya Magaalada Baydhabo ee xarunta Gobolka Baay, ayaa sheegaya in xalay gurigeeda lagu dhex dilay haweenay ka mid aheyd dadka ku nool Magaalada Baydhabo.

Haweenaydaan oo lagu magacaabi jiray Caatika Ibraahin, ayaa lagu dilay xaafadda Ceelka Cabdi Shire ee dhanka Bari Magaalada Baydhabo, sida Saraakiisha Booliska ay xaqiijiyeen.

Caatika, oo saygeeda uu yahay nin ka tirsan Al Shabaab ayaa muddooyinkii dambe waxaa jiray khilaaf xooggan oo ka dhex taagnaa iyada iyo saygeeda, waxayna dalbaneysay furriin, balse saygeeda oo la sheegay inuu ka tirsan ciidamada Shabaab uu diidanaa inuu furo.

Iyadoo murankaasi uu taagan yahay ayaa la sheegay in xalay Caatika gurigeeda loogu soo galay, kadibna xabado lagu dhuftay, waxaana baxsaday gacan ku dhiiglihii ka dambeeyay falkaasi dilka ah ee loo gaystay Caatika.
Saraakiisha Booliska Magaalada Baydhabo ayaa sheegay inay gacanta ku soo dhigeen ruux ay la xiriirinayaan inuu wax ka ogaa dilkaasi dhacay xalay ee loo gaystay haweenaydaasi.

Haweenayda la dilay ayaa maanta lagu aasayaa Magaalada Baydhabo ee Gobolak Baay, waxaana arrintaan si wayn u hadal haayo dadka ku nool xaafadda dilka uu ka dhacay.










Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment