Sawiro: Maamulka Axmed Madoobe oo Maxkamad soo taagay askarti dhawaan ka hor timid

Bulsha:- Askar ka tirsaneyd ciidamada maamulka Jubba oo lagu eedeeyay inay amni darro ka wadeen magaalada Kismaayo oo dhowaan lagu qabtay dagaal dhex maray ciidamada maamulka ayaa maanta la soo taagay maxkamad ciidan.

Dacwad lagu soo oogay askartan ayaa waxa dhageystay Maxkamada ciidamada maamulka Jubbaland, waxaana 13 askari oo ka tirsana Ciidamada Jubaland inay ku Hhshiiyeen fal Dembiyeed halis ku ah nabadgelyada.

Mid ka mida askartan oo lagu magacaabo Cabdirisaaq Cumar Cabdulalahi lagu soo eedeeyay inuu si bareer ah dil ugu geystay Nabadoon Xasan Goolow Muxumed, iyo askariga kale ee Cabdifatax Axmed Aadan oo lagu soo eedeeyay inuu gacan ku siiyey dilka nabadoonka.

Askarta kale ee lasoo eedeeyay waxaa ka mida:

Labo xiddigle Aadan Dhuubow Ibraahim

Maxamed Muxumed Xaad
Cabdi Cali Carte Qalinle, oo ka tirsan Ciidamada Booliska,Nabadsugidda iyo Daraawiishata Jubbaland.
wejiga labaad ee dhageysiga dacwada ayaa loo ballamay 6-da Novembar










Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment