Saraakiisha Ciidamada Puntland Oo Ka Warbixiyey Dagaal Ka Dhacay Garoowe

Bulsha:- aliska ciidamada xasilinta magaalada Garoowe ayaa ka warbixiyey howlgal ay ciidamadu ka sameeyeen magaaladaasi iyo sidoo kale dagaal xalay ka dhacay magaalada Garoowe.

Howlgalka ayaa inta uu socday waxay ciidamadu la kulmeen weerar sababay khasaare dhimasho iyo dhaawac isugu jira.

Sarreeyo Guuto Muxudiin Axmed Muuse oo maanta la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in ciidamadu ay gacanta ku dhigeen waxyaabaha maanka dooriya, sidoo kalena iska difaaceen rag hubeysan oo doonayey in ay ciidanka ka qabsadaan waxyaabihii howlgalka lagu qabtay.

Waxa uu taliyaha sheegay in dagaalkii xalay ku geeriyootey haweeney xabad wiifto ah ugu tagtay hoygeeda sidoo kalena dhanka askarta ay Labo qof ka dhaawacantay.

Taliye Muxudiin ayaa sheegay iney ku raad joogaan cid walbo oo weerarkaasi ka dambeysay, isaga oo tilmaamay in weerarkii xalay ay soo qaadeen dad doonaya in magaalada lagu dhex iibiyo Qamrada iyo Xashiiska.
Ammaanka magaalada Garoowe ayaa habeennadii ugu dambeeyey faraha kasii baxayey, waxaana magaalada ka dhacay rasaas qaarkeed la ogeyn waxa ay ahayd iyo burcad dhac geysaneysay.










Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment