Bulsha:- Guddiga Joogtada Aqalka Sare ayaa kala diray Guddigii uu u xil saaray xalinta khilaafka Golaha Shacabka, kaddib markii ay ku guuldareysteen waan waantii ay ka dhex wadeen labada dhinac.
Kulan Guddiga Joogtada uu isugu yimid ayaa waxaa shir guddoominayay Guddoomiyaha Aqalka Sare Cabdi Xaashi Cabdullaahi, waxaana la sheegay in saddex ka mid ah xubnaha Guddiga ay u gudbiyeen istiqaalad ay isaga casileen Guddiga.
Saddexda xubnood ee Guddiga iska casilay ayaa waxaa ka mid ahaa Senator Maxamed Amiin, Cabdi Qeybdiid iyo Maxamed Axmed Mashruuc.
Wararka qaar ayaa sheegaya in xubnaha Guddiga ay ku kala qeybsameen go’aan ay ka qaateen khilaafka golaha shacabka, kaddib markii ay horay u soo saareen baaq iyo talooyin la xiriiray xalinta khilaafka iyo mudadii ay u qabteen in mooshinka lagu keeno ee 10-ka cisho, kana bilaabaneysay 18 bishan, kuna ekeyd 28-ka bishan.

Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:
Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Blogger Comment
Facebook Comment