Muuqaal: Doorashadii dalka Masar oo lagu kala baxay iyo sida wax u dhaceen

Bulsha:- Doorashadii Bishan ka socotay gudaha iyo dibadda Masar ayaa waxaa ku guuleystay madaxweynaha hadda talada haya ee C/Fataax Al siisi uuna helay codad gaaraya 92%.

23 Milyan oo ka mid ah 60 milyan oo qof oo isu diiwaangeliyay doorashada ayaa dibadda u soo baxay si ay u codeeyaan,waxaana hadda warbaahinta ay leedahay dowladda oo xiganeysa Guddiga doorashooyinka ay sheegeysaa in Madaxweyne Sisi uu helay 92% codadkii la dhiibtay.

Wargeysyada Al-Ahraam iyo Al-Akhbaar Al Yowm iyo wakaaladda wararka ee MENA ayaa baahiyay guusha C/Fitaax Al siisi,waxaana ay sheegeen in madaxweynaha mar labaad dib loo doortay.

Muusa Mustafa Muusa oo ah Ninka la tartamayay ayaa waxaa lagu xantaa in isaguba uu taageere u yahay Madaxweyne Sisi.
60 Milyan ee isu diiwaangeliyay codbixinta waxaa dibadda u soo baxay kaliya 40%,taas oo ka dhigan in ay ka hooseeyaan dadkii u soo baxay doorashadiisii 1aad ee 2014kii taas oo ay u soo baxeen 47%.










Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment