Bulsha:- Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa ku sii jeeda magaalada Washington ee dalka Mareykanka, halkaasoo uu uga qeyb galayo shir uu soo qaban qaabiyay Bankiga Adduunka.
Shirkan ayaa furmi doona 5-ta bishan, waxaana uu dhamaan doontaa 7-da bishan March, waxaa looga hadlayaa maareynta dhibaatooyinka nabadgelyo iyo xasilooni ee ka jira caalamka, waxaa si gaar ah diiradda lagu saarayaa xaaladaha.
Ra’iisul Wasaaraha ayaa la filayaa inuu khudbad ka jeediyo shirka oo diiradda lagu saari doono maareynta halista nabadgelyo iyo xasilooni, waxaana jira doona madalo dood ah oo lagu falanqeyn doono xaaladaha uu xilligan wajahayo caalamka.
Safarka Ra’iisul Wasaaraha ee Washington ayaa ku soo beegmaya, maalin kaddib markii uu ka soo laabtay safar uu ku tagay dalka Imaaraadka Carabta.

Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:
Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Blogger Comment
Facebook Comment