Axmed Fiqi wuxuu tilmaamay inuu garwaaqsan yahay in Imaaradaha Dubai iyo kuwa kale ee Imaaraadku leeyahay aysan ka raali noqon doonin faragalin ay ku sameyso Soomaliya, hase ahaatee aysan Somalia aqbali doonin in amuuraheeda ay soo faragaliso Imaaraadka. ‘’Waxaan leeyahay Imaaraadka idinma aan faragalin ee naga daaya faragalinta, waxaan taariikhda ku heysanaa in dowladeenii hore ay garab siin jirtay Imaaraadka xili ay heysatay dhibaato’’
‘’Tallooyinkeena waxaa kamid ahaa in Wasaarada arrimaha dibadda Somalia ay u yeerto Safiirka Imaaraadka u fadhiya Xamar waxna ka weydiiso eedeymaha ay u jeediyeen si uu uga jawaabo’’
‘’Waxaan ka dooneynaa inuu madax-baneeyo amadax-banaanida Somalia oo uu faraha kula jiro’’ Waxa uu Xildhibaanka sheegay in Dowlad Goboleedyada ka jira dalka ay ka xishoodaan markaana ay ku dadaalan Qaranimada Somalia.
Axmed Fiqi, waxa uu sheegay in Madaxda Dowlad Goboleedyada ay ku jiraan kuwo xilal kala duwan kasoo qabtay Dowlada, wuxuuna cod dheer ku sheegay in arrin fool-xun ay tahay inay ka shaqeeyan howlo kale, isagoo ugu baaqay inay hoosyimaadan dowlada Dhexe.

Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:
Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Blogger Comment
Facebook Comment