Muuqaal: Doorashada dalka Masar oo loo Dareeray iyo Sida wax u dhaceen

Bulsha:- Cod bixiye-yaasha dalka Masar ayaa maanta oo isniin ah u dareeraya goobaha cod bixinta doorashadaas oo ay ka qayb galayaan Madaxweyne Abdel Fatah al-Sisi iyo hal musharax oo la tartamaya. Doorashadaan ayaa kooxaha xuquuqda aadana u dooda ay ku dhaliileen in dadka tartamayaa ay yar yihiin.

Cod bixiye-yaasha dalka masar ayaa kala dooranaya Madaxweynaha talada haya iyo musharraxa kaliya ee la tartamaya.

Moussa Mustafa Moussa waa hoggaamiye xisbi aan aad loo aqoon oo horay u taageeray Madaxweyne Siisi, Ninkaan ayaa ugu dambayntii ku dhawaaqay inuu yahay musharrax la tartamaya Madaxweynaha xilka haya.

Labo musharrax oo kale oo la tartami lahaa Madaxweyne Sisi ayaa isaga haray tartanka, halka mid saddexaad oo ahaa hoggaamiye hore oo militari la xiray, laguna eedeeyay in uu xilka madaxweynenimo u tartamayay asagoon haysan wax fasax ah.









Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment