Daawo Muuqaal: Xuutiyiinta Yemen oo Sucuudiga ku Garaacay Gantaalo Halis ah iyo Khasaaraha ka dhashay (Video)

Bulsha:- Ciidamada Sacuudiga ayaa sheegay in ay soo rideen toddobo gantaal oo Jabhadaha Xuutiyiinta ah ee Yemen ay Sucuudiga ku soo rideen.

Saddexda gantaal waxaa lagu riday magaalada caasimadda ah ee Riyadh, hal ruux oo uu ku dhacay burbur gantaal ayaana geeriyooday, sida ay saraakiishu sheegeen.

Axaddii ayay ku beegnayd sannad guuradii saddexaad ee ka soo wareegtay markii xulafada uu Sacuudiga hoggaaminayo ay ku duushay Yemen.

Jabhadaha Xuutiyiinta ah waxay bartilmaameedsanayeen dhawr goobood oo uu ku jiro garoonka caalamiga ah ee diyaaradaha ee magaalada Riyadh.

Xulafadu waxay Iiraan ku eedeeyeen in ay Xuutiyiinta u gayso gantaallo, arrintaas oo ay diiday Tehran.

“Rabshadaha iyo ficillada daran ee ay wadaan Xuutiyiinta ay Iiraan taageerto waxay caddayn u tahay in Iiraan ay wali sii waddo kaalmada milatari ee ay siiso ururkan hubaysan” ayuu yiri Turki al-Malki oo afhayeen u ah xulafada.

Wuxuu intaas ku daray “in gantaallada riddada dheer ee magaalooyinka lagu soo ganayo in ay tahay arrin cusub oo soo korortay.”

Goobjoogeyaal Riyadh ku sugan ayaa sheegay in ay maqleen qaraxyo ayna arkeen uuro.











Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment