MUUQAAL: Colaadii Shabeelada Hoose oo Lasoo Afjarayo iyo RW. Khayre oo Daah-furay Shirkii Nabadda

Bulsha:-  Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Khayre ayaa maanta ka qayb galay kulanka dib-u-heshiisiinta beelo ay codlaad ku dhexmartay degmada Marka ee Shabeellaha Hoose, waxaana lagu soo bandhigay geeddi-socodka nabadda ee degmada Marka, iyada oo laga soo saaray todobo qodob ay ku heshiiyeen labada dhinac.

Shirkan oo ay daadihinayso Xukuumadda Soomaaliya gaar ahaan Wasaaradda Arrimaha Gudaha, waxaa ka soo qayb galay Guddoomiyaha Aqalka Sare Cabdi Xaashi Cabdullaahi, Madaxwaynaha Maamulka Koon-fur Galbeed, Xildhibaanada labada Aqal, Dhammaan waxgarad matalaya beelaha wax kala tirsanaya iyo Bulshada degan gobolka Shabeellada Hoose oo taageersan heshiiskan.

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya ayaa soo dhaweeyay shirkan dib-u-heshiinta ah ee lagu nabaddeenayo walaalaha ay dhibtu kala gaartay, waxuuna tilmaamay in ay shacabka Soomaaliyeed u diyaarsan yihiin nabadaynta dalka iyo in laga heshiiyo waxkasta oo laga dhexalay bur-burkii dawladnimo.

Ra’iisul Wasaare Khayre ayaa faray Odayaasha dhaqan, Siyasiinta iyo bulshada ka soo jeeda gobolka Shabeelaha Hoose in ay meel uga soo wada jeestaan nabadaynta maanta ka bilaamatay gobolkooda, kuna dadaalaan meel-mirinteeda, waxuuna u mahed-celiyay cid walba oo ka qayb qaadatay dib-u-heshiisiintan.









Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment