Australia oo ku biirtay dalalka eryaya diblumaasiyiinta u dhashay Ruushka

Bulsha:- Australia ayaa noqotay dalkii ugu dambeeyey ee erya diblumaasiyiinta Ruushka, taas oo jawaab u ah wareerarkii loo isticmaalay sunta neerfaha waxyeellaysa ee ka dhacay dalka Britain.

Rai’sul wasaaraha Australia, Malcolm Turnbull ayaa sheegay in ficilka Moscow uu ahaa weerar ka dhan ah dimuquraadiyadda iyo madaxbanaanida dal kasta.

” Waa weerarkii ugu horreeyey Yurub dhexdeeda ee loo adeegsado hubka kiimimkada tan iyo dagaalkii labaad ee adduunka, waxa uu ahaa iskuday dil oo lagasoo shaqeeyay, wuxuu ahaa xad gudub iyo weerar lagusoo qaaday madax banaanida dalka Britain iyo shuruucda waana cambaaraynaynaa gabi ahaanba”

Saddex iyo labaatan dal oo taageraya dalka Britain ayaa hadda eryay boqol iyo lix iyo toban diblumaasi oo Ruush ah.

Waa eryiddii diblumaasiyiinta ee ugu balaarnayd abid tan iyo dagaalkii qaboobaa, Ruushka ayaa ballan ku qaaday in uu jawaab ka bixin doono arrintaas.
Ruushku wuxuu sidoo kale beeniyay in uu ka dambeeyey weerarkii ka dhacay Salisbury weerarkaas oo lagu qaaday basaas hore oo Ruush ahaa Sergei Skripal iyo gabdhiisa kaas oo xaaladooda khatar galiyey.










Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment