Maxaa ka jira in Erdogan iyo Putin ay Booqasho ku imaan Doonaan Muqdisho

Bulsha:-  Warar aan ka helney ilo Muhiim ah ayaa sheegaya in marka uu Madaxweynaha Maxamed Cabdulaahi Farmaajo uu soo dhameysto Booqashada dalka Qadar in Dowladda faderaalka ay u Diyaargaroobi Doonto sidii ay Muqdisho ugu soo dhaweyn lahaayeen Madaxweynaha Dalka Turkiga Ordogan  iyo Madaxweynaha Ruushka ee Putin .

Hadii ay booqashadaan  Madaxdaan sare Suurta gasho waxaa aduunka uu ku sii siqayaa in ay sameysmaan  isbaheyso , waxaana hardanka ugu weyn uu noqon doonaa cidda  gacanta ku dhigta Marinka Badda Cas iyo Badweynta Hindiya oo noqon doonta mid Maamuli doonta Gacasiga aduunka.

Booqashada Madaxweyne Farmaajo ee dalka Qadar  hadii ay dhacdo waxay dadka Saadaalinayaan  in gabi ahaanba xiriirka loo jaro Dowladda imaaraadka  ka dib markii uu Duqlaadkii uu ka dhamaadey Dowlada Federaalka  islamarkaana Shacbka ay si weyn uga soo horjeesteen faragelinta Imaaraadka iyadoo  Madaxweyne Farmaajo  Khudbadii uu ka jeediyey BAarlamaanka uu si weyn  durey heshiiskii Barbara kuna Tilmaamey mid ka hor imaanaya midnimada Soomaaliya

Dowlada Ruushka ayaa Sannadkii 1977  Xiriirka u jartey Dowladii Milatariga ka dib markii ay la safatey dowlada Itoobiya wixii waqtiaa ka dambeeyey Xiriirka  Soomaaliya iyo Ruushka  waxaa uu ahaa mid  iska gabi Dhacleynaya waxayna  Dadka Siyaasada u Kuurgala ay sheegayaan Isbaheysiga Turkiga , Ruushka, Qadar Masar u u leeyahay Faaiido iyo Khasaaro.

Markaan ka fiirino  waxa ka imaan kara  hadii ay Soomaaliya ku Biirto Isbaheysigaa  in Aduunka uu ku Hardamo  Dhulka iyo Badaha Soomaalia maadaama la sheegey in Marinka Badda Cas iyo Badweynta Cidii gacanta ku dhigta ay  Mustaqbalka noqon doonaan mid laga Maamula Ganacsiga aduunka, waana mida maanta ay la rafaneyso Dowlada Imaaraadka oo ka  cabsi qabta in ay meel cidla  ku soo dhacda  sidaa Darteed isbaheysiga uu Horkacayo Turkiga  dadka Soomaaliyeed  badankiis waxay  qabaan mid mira dhali doonaa waa hadii uu ka badbaado  Isbaheysiga kale ee Imaaraadka iyo Sacuudiga oo lagu xanto in ay u adeegayaan Mareykanka, Hadaba la arki doonaa waxaa ka soo baxa Booqashada Ordogan iyo Putin ee Soomaaliya, inkastoo Bulshada Soomaaliyeed ay aad uga Xumaadeen Dhibaatada Ruushka ka sameeyey Suuriya
W/D Amiin Yuusuf Khasaaro

E-Mail:amiinkhasaaro@hotmail.co.uk
E-Mail:amiinkhasaaro@yahoo.co.uk
Tel 00252615532494 228697782-yilwcljq










Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment