Ciidamada dowlada oo watay ku dhawaad Shan gaari nooca dagaalka ayaa weerar Seddex jiho ah ku qaaday Saldhiga ay ku dhuuman jireen maleeshiyaadka oo falal amni darro ka geysan jiray Degmada.
Weerarka oo ahaa mid qorsheysnaa ayaa waxaa qaaday Ciidamo uu horkacayay Taliyaha Nabad Sugidda degmada Kaxda, waxa uuna weerarka daba socday dil shalay degmada loogu geystay Askari ka tirsan ciidamada maamulka.
Saldhiga maleeshiyada ee weerarka lagu qaaday ayaa ku yaalla Qabuuraha degmada Kaxda ee loo yaqaano Boqolka Boos, halkaasi oo ay ku sugnaayeen xubno ka tirsan ururka Al-shabaab.
Ciidamada dowlada iyo kuwa al-Shabaab ayaa halkaa ku dagaalamay muddo ku dhow hal saac, waxaana weerarka ka dhashay khasaaro dhimasho iyo dhaawacba leh.
Al-Shabaab ayaa weerarka looga dilay ilaa Seddex maleeshiyo, halka ciidamada dowlada laga dhaawacay laba Askari oo midi uu yahay garaab, sida laga soo xigtay Saraakiisha ciidamada.
Dadka deegaanka ayaa aad uga walaacay dagaalka oo mararka qaar leysu adeegsanaayay Hubka waaweyn, waxaana halkaa lagu soo qabtay Hub ay isticmaalayeen maleeshiyada.

Talaabadaani ayaa imaaneysa xili ay maleeshiyada al-Shabaab caadeysteen fulinta weeraro iyo dilal joogta ah oo ay ka geystaan Degmada Kaxda.
Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:
Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Blogger Comment
Facebook Comment