Daawo: Xil. Jeesow oo ujawaabay Jawaari, Fariina udiray Madaxweyne Farmaajo

Bulsha:- Xildhibaan Daahir Amniin Jeesow oo kamid ah Xildhibaanada BFS ayaa si kulul uga hadlay Shir Jaraa’id oo uu qabtay Guddoomiyaha baarlamaanka Somalia Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari, kadib markii ciidamo cusub ay la wareegeen amniga xarunta baarlamaanka.

Xildhibaan Jeesow ayaa sheegay in Wasaarada amniga uu uga mahadcelinaayo talaabada ay ciidamada cusub ku geysay xarunta baarlamaanka Somalia.

Waxa uu Jeesow sheegay in Guddoomiye Jawaari iyo ciidamada laga eryay xarunta ay ahaayen kuwo si gaara daacad ugu ahaa Jawaari, waxa uuna sheegay in shaqsi ahaantiisa uusan muddo 3 cisho ah tagin Xarunta Villa Hargeysa, kadib markii ay ciidamada bilaabeen in Xildhibaanada ay ku dhibaan galiinka xarunta.

Waxa uu sheegay in ciidamada ilaalada ka ah xarunta ay si cad galitaanka xarunta ugu diideen Xildhibaan keliya ka hor imaaday Jawaari, waxa uuna taa ku micneeyay in xarunta aysan aheyn mid dowladeed balse uu is laheysiiyay Jawaari.

Guddoomiye Jawaari, ayuu ku eedeeyay ku tagrifal dastuurka iyo xeer hoosaadka, waxa uuna talaabo fool-xun ku sheegay khaladaad dhowr ah oo uu ku adkeysanaayo Jawaari.

Sidoo kale, Xildhibaan Jeesow ayaa Madaxweynaha u sheegay inaan lagu cabsi galin burburka baarlamaanka, waxa uuna cod dheer ku sheegay in baarlamaanka uu iminka qaadi doono wadada saxda ah, maadaama iminka la arkay daldaloolada jira.

‘’Madaxweyne waxaan kugu wargalinayaa in baarlamaanka Somalia uu horay u dhisnaa hadana dhisnaan doono, yaan laguugu cabsi galin, baarlamaanka uma burburi doono shaqsi khaladaadkiisa lasoo saaray’’

HOOS KA DAAWO MUUQAALKA JEESOW









Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment