Bulsha:- Madax Shirkada DP World ee ka shaqeysa Arimaha dekaddaha Sultan Ahmed Bin Sulayem oo Warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in go’aanka Baarlamaanka Soomaaliya kasoo baxay in aysan waxbo u arag howshoodana ay sii wadanayaan.
Waxa uu sheegay in Heshiis ay la galeen madaxda Somaliland, waxa uuna tilmaamay in mashruucooda shaqo iyo midka horu marineed ee Dekadda Berbera ay sii wadan doonaan wax saameyn ahna uusan ku reebeyn go’aanka Baarlamaanka Soomaaliya.
Dhinaca kale mar uu ka hadlayay Madaxda DP World go’aankii dowlada Jabuuti uga laabatay heshiiskii ay ugu wareejisay Dekadda Dooraale ayuu sheegay in ay arintaasi saameyn ku yeelaneyso in Qaarada Afrika gaar ahaan Jabuuti la maalgashado.

Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:
Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Blogger Comment
Facebook Comment