Somaliland oo Xabsiga dhigtay Nin Buug ka qoray Guushii Doorashada Madaxweyne Farmaajo

Bulsha:- Wararka laga helayo Magaalada Hargeysa ayaa sheegaya in Ciidammada sirdoonka Somaliland ayaa xabsiga u taxaabee Maxamed Kayse Bigeeye oo la sheegay in uu buug ka qorayay madaxwaynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo.

Eng. Maxamed Keyse oo qoray buugga la magac baxay: “Tusaalaha Guusha” ayay qoyskiisa xaqiijiyeen inuu maalintii saddexaad ku xiran magaalada Hargeysa, iyadoo lagu heysto buugga uu ka qoray madaxweynaha Soomaaliya.

Wararka ayaa sheegaya inaan weli Buugga la soo bandhigin, laakiin qoraaga yaa bartiisa facebook-ga ku soo bandhigay ogeysiis ah buugga inuu dhameystiray qoristiisa goor dhowna uu soo bandhigi doono balse Ciidamada sirdoonka Somaliland ayaa ka war helay xabsiga dhigay.
Eng. Maxamed Kayse Maxamuud ayaa ah nin dhalinyaro ah oo ku nool magaalada Hargaysa kana soo jeeda Bariga Burco, waxaana shalay la horgeeyay maxkamada gobolka Maroodi-jeex oo amartay in dib loo dhiggo kiiska dacwadda.


Wararka qaarkood ayaa sheegaya in qoraaga xiriir la lahaa wasiirka wasiirka ganacsiga Soomaaliya Maxamed Cabdi Xayir “Maareeye”, wuxuuna bartiisa Facebook kusoo banadhiggay sawirro uu ku wehliyo wasiir Maareeye.










Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment