Jabhadda dib u xureynta Ogaadeeniya ee raadineysa xurnimada Soomaali Galbeed iyo Dowlada Itoobiyo oo waligood la dagalamayay ayaa isku haaya madaxbanaanida gobalka iyo dadka Soomaaliyeed oo ay Itoobiya Gumeysato waxaana dagaaladii dhacay lagu waayay kumaanan Soomaali iyo Itoobiyan ah.
afayeenka Jabhadda dib u xuraynta Ogaadeeniya C/qaadir Xasan Hirmooge ayaa sheegay in maanta shir u dhaxeeya Itoobiya iyo ONLF in maanta Nairobi uu ka furmay isla markaana ay la tageen qorshayaal waa weyn.
Shirkaan u dhaxeeya Itoobiya iyo ONLF ayaa la sheegay in qodobada looga hadlayo ay ku jiraan kuwa adagtahay in is faham laga gaaro soona taagnaayeen wax kabadan 40 sano oo ay wadahalo socdeyn, Itoobiya ayaa dooneysa in ay maamusho Dhulka Soomaali Galbeed halka ONLF ay doonayaan umadax banaani iyo Arimaha u gaarka ah Soomaali Galbeed ayuu sheegay Afayeenka ONLF.
Dowldda itoobiya ayaa waxaa caaadis xoogan kuhaya wadamada yurub, ameerica iyo qaar ka mid ah Wadamada Africa waxa ayna shirkaan ku doonaysaa in ay kudajiso xaaladda siyaasadeed iyo midda amin ee kajirta gobolka soomaali galbeed.

shirkaan ayaa kusoo beegmaya xila dowladda itoobiya ay gacanta kuhayso In kabadan 5,000 oo qof ugu yaraan 2,000 oo ka mid ah ay yihiin xubnaha sare ee ONLF waxaana la sheegaa in ay wajahayaan xaalado adag oo dhinaca Nolasha.
Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:
Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Blogger Comment
Facebook Comment