Bulsha:- Bulshada ku nool Gobolka Banaadir ayaa Munaasibad soo dhaweyn u sameeyey Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa magaalda Muqdisho Cabdiraxmaan Yariisow iyo Maamulkiisa, iyadoo ay ka qeyb galeen xubno kala duwan.
Xafladaan ayaa waxa ka soo qeyb galay Ra’isulwasaarihii hore ee Soomaaliya Cali Maxamed Geedi, Xildhibaanada labada Aqal ee dowladda Soomaaliya, Wasiiro, Odayasha Dhaqanka Soomaaliyeed iyo marti sharaf kale.
Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho ayaa uga mahadceliyay bulshada Gobolka Banaadir sida ay u garab taaganyihiin Maamulkiisa, Wuxuuna ka hadlay Qorshihiisa ku aadan Hantida Dadwaynaha iyo Guryaha Shacabka ee la haysto.

Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:
Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Blogger Comment
Facebook Comment