13 Al-Shabaab ka tirsan oo ka baxsadey Guri Lagu hayey magaalada Garoowe !

Bulsha:-   Wararka naga soo gaadhay magaalada Garoowe ayaa sheegaya in 13 ka tirsanaa dagaalyahanadii al-Shabaab ee lagu qabtey Suuj, Garmaal iyo weliba Garacad ay ka baxsadeen guri ku yaala magaalada Garoowe oo lagu hayey muddo dheer. Dhalinyaradan ayaa la sheegay in a ahaayeen caruur xiliga la qabanaayey ee ay dagaalka kula jireen Puntland, waxaana guriga loogu samaynayey wax loogu yeeray dhaqan-calin.

Guriga lagu hayey dhalinyarada baxsatey ayaa loogu yeeraa Safe House waxaana mashruuc ku qaatey, shirkad si gaar ah loo lee yahay waxaana ilaalo ka hayey askar aan dowli ahayn oo gaar ah Private Army.

Waxaa la sheegay in mid kamid ah dhalinyaradaas dib loo qabtey, halka 12 kii kale aan gacan lagu dhicin lamana oga in ay ku jiraan gudaha magaalada Garoowe iyo in ay ka baxsadeen.

Dadka qaarkiis ayaa ku eedaynaya shirkadda qaadatey qandaraaska lagu dhaqan celinaayo dhalinyaradan in ay ka dhigatey mashruuc aan dhamaan, warar kale ayaa sheegaya in qaar kamid ah kuwa gacanta ku hayey dhalinyaradan ay lacag ku bedelan jireen tiradooduna intaas ay ka badneyd.
Al-Shabaab-ka ka baxsadey guriga amnigooda lagu sugayey ee Safe House ayaa weji gabax ku ah maamulka Puntland waxaana la is weydiinayaa khatarta ay keeni karto arrintan.










Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment