Bulsha:- Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta gaaray magaalada Nairobi ee dalka Kenya, halkaasoo uu saacado joogayo.
Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa waxaa soo dhoweeyay Xildhibaano iyo Mas’uuliyiin ay ka mid yihiin Xildhibaan Mahad Salaad, Wasiirka Dhalinyarada iyo Ciyaaraha Khadiijo Maxamed Diiriye, Wasiirkii hore ee Arrimaha dibadda C/salaan Hadliye, Guddoomiye kuxigeenka Koowaad ee Aqalka Sare Abshir Bukhaari iyo Xildhibaan C/qaadir Cosoble.
Sidoo kale waxaa la filayaa saacadaha uu joogo Nairobi inay is arkaan Xildhibaano iyo Siyaasiyiin ku sugan halkaas.
Wararka ayaa sheegaya in Madaxweynihii hore Xasan Sheekh uu ku sii jeedo dalka Jabuuti, isagoo muddooyinkan ku sugnaa dalka Tanzania oo ay degan yihiin Qoyskiisa.
Ilo ku dhow dhow Madaxweynihii hore ayaa sheegaya inuu dalka Jabuuti kaga qeyb galo doono shir halkaas ka dhacaya.
Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh oo sidoo kale ah Xildhibaan ka tirsan Golaha Shacabka ayaa dalka ka tagay, tan iyo markii looga guuleystay doorashadii xilka Madaxweynaha ee dhacday 8 February sanadkii hore, waxaana uu deganaa dalalka Turkey iyo Tanzania oo qoyskiisa ku nool yihiin.

Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:
Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Blogger Comment
Facebook Comment