Ciidamada ayaa guri guri u galayay xaafadda Taleex,iyaga oo howlgalka kaddib dhallinyaro badan isugu geeyay goob fagaare ah,halkaas oo ay kula hadleen Guddoomiye ku xigeenka amniga iyo Siyaasadda Gobolka iyo Guddoomiyaha Degmada Hodon.
Maxamed Cabdullahi Tuulax ayaa dhallinyarada u sheegay in uusan jirin qof la saarayo dambi uusan gelin,islamarkaana kaliya Ciidamada ay baaritaan qof qof ah ku sameynayaan.
Waxaa kale oo uu sheegay in howlgalka uusan ku ekeyn degmada Hodon iyo Xaafadda Taleex ee guud ahaan laga sameynayo dhamaan degmooyinka Magaalada Muqdisho.
Dhallinyarada faraha badan ee xalay Hurdada laga kiciyay ayaa la yaabbanaa howlgalka guryaha loogu galay iyaga oo sheegay in ay ka xunyihiin sida ay wax u dhaceen.
Ciidamada ayaa xilliga ay gelayaan guryaha u sheegayay dadka in uusan dhib jirin islamarkaana dhallinyarada kaliya baaritaan lagu sameeynayo ciddii aan dambi lahayna la fasaxayo.
Ciidanku waxaa ay sidoo kale baarayeen guryaha iyaga oo si gaar ah Armaajooyinka iyo Boorsooyinka dharka fatashaad ku sameeynayay,saraakiisha amaanka ayaana sheegay in ujeedada ugu weyn ay tahay in ay xaqiijiyaan amniga Magaalada Muqdisho.

Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:
Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Blogger Comment
Facebook Comment