Bulsha:- Wararka ka imaanaya Gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in ciidamada xoogga dalka ay la wareegeen deegaanka Moqokori, kaddib howl gal ay ku qaadeen deegaankaas oo sanado ka hor ay isaga soo baxeen.
Sida ay qortay wakaalada wararka SONNA, guutada 5aad qeybta 27aad ee ciidanka xoogga dalka ayaa saak waabarigii la wareegan deegaanka Moqokori oo qiyaastii 40KM u jira degmada Maxaas, halkaasoo ay maamulayeen Al-Shabaab.
Saraakiisha hoggaamineysay ciidamada ayaa warbaahinta u sheegay inay la wareegeen gaadiid dagaal, saanad hub iyo raashin ay Al-Shabaab keysadeen.
Ma jirto war ka soo baxay dhanka Al-Shabaab oo ku aadan sheegashada ciidamada dowladda ee ku aadan la wareegida deegaanka Moqokori.
Al-Shabaab ayaa dhamaadkii bishii December ee sanadkii 2016 dib ula wareegay deegaanka Moqokori, kaddib markii ay isaga baxeen ciidankii dowladda iyo kuwa Itoobiya ee deegaankaas ku sugnaa.

Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:
Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Blogger Comment
Facebook Comment