Wasiirka Boostada iyo Isgaarsiinta “Soomaaliya kama shaqeyn karo fure aan ahayn dalkugelka 252”

Bulsha:- Wasiirka Wasaaradda Boostada, Isgaariinta iyo Tiknolojiyada Cabdi Cashur Xasan ayaa Sheegay in aysan suurtogel ahayn in uu dalka ka shaqeeyo fure aan ahayn dalkugalka dalka ee 252 ee soomaaliya isaga oo sidoo kale digniin adag u jeediyey Shirkadaha Isgaarsiinta iyo Cidkasta oo isku dayda in ay dalka soo gelisa isgaarsiin ku shaqeysa fure aan ahayn 252 in ay wasaaraddu awood u leedahay xanibaad adeeggooda ah ah.

Hadalkan oo uu Wasiirku ku faafiyey Bartiisa facebook-ga ayaa waxa uu sheegay In Wasaaraddiisu ay gacanta ku hayso qorshe dib u habayn balaaran lagu samaynayo qorsheynta Lumberada ay isticmaalaan dhamaan shirkadaha Isgaarsiinta ka shaqeeya dalka oo ay bilawdeen wadatashiyadiisa

Sidoo kale Wasiirka ayaa sheegay in ay dhowaan dhamaystiri doonaan howlaha la xiriira howlgelinta Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka
Haddalkan ka soo yeeray Wasiirka ayaa waxa uu u muuqdaa mid jawaab u ah Wasiirka Boostada iyo Isgaarsiinta Somaliland C/wali C/llahi Suufi oo dhawaan  sheegay in uu ku dadaalayo in Somaliland hesho fure dal Isgaarsiineed oo aan ahayn midka 252 ee ay leedahay Soomaaliya.











Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment