Muuqaal uu soo geliyay baraha buslahada ayuu ku sheegay in markii hore marti qaad ku tagay Abuu Dubai hayeeshee hadda uu xabsi ku jiro islamarkaana haddii ay isaga wax gaaraan wax laga weydiinayo dhaxal sugaha Imaaraadka.
“Hadda waxaan ku suganahay abuu dubai,waxaan marti u ahaa dhaxalsuge Maxamed,laakiin waxbadan marti ma sii ahaan doono,waxaan ahay maxbuus u xiran dowladda Imaaraadka”,waxaa uu sheegay in uu xariggan ku muteystay aragtidiisa go’doominta dalkiisa ee ay saareen Waddamada Khaliijka.
Sheekh Cabdalla Bin Al thaani ayaa sheegay in dadka dalkiisa ay yihiin dhibbaneyaal ay Carabta go’doomisay,waxaana uu aad ugu calaacalay in arrintaas ay tahay shey xun.
Bishii September kulan Wasiirrada arrimaha dibadda Carabta ku yeesheen Qaahira ayaa wasiiru dowlaha wasaaradda arrimaha dibadda Qadar waxaa uu kulankaas ka sheegay in waddamada go’doomiyay dalkiisa ay doonayaan in ay beddelaan Amiirka Qadar kuna beddelaan Sheekh Cabdalla Bin Al-Thaani oo Abu Dubai ku sugan.

Sheekh Cabdalla waxaa uu ahaa wiilka Amiirkii hore ee Dalka Qadar Sheekh Cali bin Cabdalla Al-Thani sanadihii lixdameeyadii.
Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:
Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Blogger Comment
Facebook Comment