Bulsha:- Taliska Booliska Soomaaliyeed ayaa maanta Magaalada Muqdisho waxaa ay ku soo bandhigeen 4 wiil oo lagu eedeeyay in ay Habeenkii dadka taleefannada ka qaadan jireen.
Kooxdan ayaa si weyn uga qaraaban jirtay degmada Howlwadaag iyo agagaarka suuqa bakaaraha, waxaaan lagu soo bandhigay saldhigga Booliska Howlwadaag. Afhayeenka ciidamada Booliska Qaasim Axmed Rooble inay howlgalka iska kaashaadeen Booliska, Nabadsugidda iyo sahcabka.
Burcad ka kooban 4 nin oo watay Bistoolad iyo Mooto ay dadka ku dhici jireen ayaa lasoo bandhigay, waxaana la sheegay in sharciga la horgeyn doono, iyadoo dadka degaanka ay muddooyinkan ka cabanayeen dhaca lagu fuliyo mootooyin.
Raggan ayaa lagu soo bandhigay Saldhigga Booliska ee Degmada Howlwadaag ee Magaalada Muqdisho,waxaan saxaafadda horgeeyay Afhayeenka Booliska Qaasim Axmed Rooble.
Qaasim waxaa uu sheegay in Dhallinyaro badan ay Habeenkii dhac ka geystaan Magaalada Muqdisho,kuwaas oo dadka ka qaata Taleefannada iyo lacagaha caadiga ah ee ay wataan.


Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:
Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Blogger Comment
Facebook Comment