Daawo Muuqaal: Madaxwayne Farmaajo oo Cadaado kala Kulmay soo dhowayn Balaadhan iyo Khudbadii uu ka jeediyey

Bulsha:-  Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka ah ee Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa galabta gaaray magaalada Cadaado.


Wafdiga Madaxweynaha ayaa safar dhinaca dhulka kaga yimid magaalada Gaalkacyo, waxaana lagu soo dhoweeyay afaafka hore ee Cadaado.

Dadweyne fara badan oo waddooyinka taagnaa ayaa soo dhoweeyay Madaxweyne Farmaajo oo safarka dhulka uu ku wehliyo Madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf.

Madaxweynaha iyo wafdigiisa ayaa waxaa loo gelibiyay Madaxtooyada Cadaado, halkaasi oo madaxwaynaha uu kula hadlay Kumanaan kamid ah dadkii soo dhoweeyay.










Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment