Maxkamadda ciidamada sida oo maanta la horgeeyay dad loo heesto qaraxii ka dhacay Zoobe.

Bulsha:- Waxaa Maanta Maxkamadda Ciidamada qalabka Sida ee Soomaaliya la horgeeyay 5 nin oo loo heysto Qaraxii 14-kii October- 2017 ka dhacay isgoyska Zoobe ee Magaalada Muqdisho kaas oo dad badan ay Ku dhinteen kuwa kalana ay Ku dhaawacmeen halka dad badan lagu waayay.

Maxkamadda ayaa la  horgeeyay shanta ruux ee lagu eedeeyay in Qaraxaasi ay ka dambeyeen waxaana qorshuhu uu ahaa in maanta ay bilowdo dhageysiga dacwadda shaqsiyaadkaasi loo heysto.

Gudoomiyaha Maxkamadda darajada koowaad ee Ciidamada qalabka Sida Gaashaanle Sare Xasan Cali Nuur shuute ayaa  idaacadda Kulmiye u xaqiijiyay  in dhageysiga dacwadda dib loo dhigay, islamarkaana Lagu balamay in maalinta Khamiista La bilaabo dhageysiga dacwadooda.

Shaqsiyaadka Maxkamadda la  horgeeyay ayaa Ciidamada amaanka Soomaaliya Gacanta Ku soo dhigeen Maalmo uun ka dib Qaraxii Zoobe.
Dowladda Soomaaliya ayaa balan qaaday in ay cadaaladda marsiin doonto dhamaan dadkii ku lug lahaa Weerarkii ugu xumaa ee Soomaaliya soo mara ee 14-kii October.










Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment