Daawo Sawirada:- Gudoomiye Taabit oo xalay waqti la qaatay ciidamadda ku sugan wadooyinka laga soo galo Muqdisho

Bulsha:- Duqa Muqdisho ayaa xalay waqti fiican la qaatay ciidamadda ku sugan wadooyinka laga soo galo caasimadda isagoo socdaal dheer ku maray daafaha magaaladda, Socdaalka Gudoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho waxaa ku wehliyay Xubno ka tirsan Maamulkiisa sida Gudoomiyaasha Degmooyinka Xamar Jajab, Waaberi iyo Hodan.

Goobaha ay tagaan Gudoomiyaha Gobolka iyo Xubnihii la socday ayaa u badnaa halka laga soo galo Magaalada Muqdisho Sida Suuqa Xoolaha, Daaru Salaam, Siinka Dheer, Kaxda, Xoosh iyo Goobo kale.

Gudoomiye Thaabit ayaa Warbaahinta kula hadlay Deegaanka Siinka dheer isagoona la wadaagay waxyaabaha ay ku soo arkeen intii ay ku guda jireen kormeerkooda iyo ujeedka ay ka la haayeenba.

Waxa uuna sheegay in uu la kulmay ciidamo xiliga kala badalka waqtiga ee saqda dhexe u taagan gudashada Waajibaadka saaran, isla markaana uu ku dhacayo Qaboowga Habeenkii.

Ciidamada Amniga ee duleedyada ku sugan ayuu ku tilmaamay in ay isku howleen sugidda amniga, waxa uuna Sheegay in dhawaan uu taalo xusuuseed loo dhisi doono dadkii ku dhintay Qaraxii Soobe ka dhacay 2017-dii.

Sanadkaan ayuu rajeeyey in Soomaaliya ay kasoo kabsato dhibaatooyinkii soo wajahay sanadkii dhamaaday ee 2017-kii, wuxuu qeybinayay gudoomiye Taabit raashin bisil iyo cabitaano.











Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment