Madaxweyne Farmaajo oo ku wajahan Xeraale

Bulsha:-  Madaxweynaha Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo iyo wafddiga uu hoggaaminayo aya agoordhow ka baxay degaanka Balanballe ee Gobolka Galguduud,halkaas oo ay ku qaabileen maamulka iyo Odayaasha degaanka.

Madaxweynaha ayaa safarkiisa Balanballe kaddib waxaa uu u sii gudbay degaanka Xeraale halkaas oo uu kaga sii gudbayo Degmada Cabudwaaq.

Guddoomiye ku xigeenka arrimaha bulshada Balanballe ayaa u sheegay Idaacadda Mustaqbal in kulan ay la yeesheen Madaxweynaha ay kala hadleen baahiya degaankooda ka jira ee amniga,nolosha iyo dhinacyada kale.

Waxaa uu xusay in booqashada Madaxweynaha ee degaankaas ay iyaga farxad u tahay islamarkaana ay ku faraxsanyihiin inuu Madwxeynaha Soomaaliya booqdo.
Madaxweyne Farmaajo ayaa maalintii 14aad ku maqan maamullada Puntland iyo Galmudug isaga oo safarkiisa ugu dambeeya sida qorshuhu yahay ku soo gaba gabeeynaya Cabudwaaq inkasta oo ay jiraan warar sheegaya in uu tagayo magaalada Hobyo ee Mudug.











Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment