Bulsha:- Madaxweynaha Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo,madaxa Golaha wasiirrada Galmudug iyo Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka ayaa maanta booqday xerada 21aad ee Ciidanka Xoogga Dalka ee duleedka Magaalada Dhuusamareeb.
Ciidanka ku jira Xereda 21aad waxaa ay hoostagaan Maamulka Ahlu Sunna Waljamaaca waxaana la filayaa in lagu daro Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed.
Taliyaha Ciidanka xoogga Dalka Jen. Gorod ayaa sheegay in Ciidamadan ay la wareegtay Dowladda Soomaaliya islamarkaana ay mushaarka iyo tasiilaadkooda kaleba bixin doonto dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya.

Madaxweyne Farmaajo oo isna goobta hadlay ayaa sheegay in Ciidamadan ay ka mid noqon doonaan Ciidamada Dowladda Soomaaliya,sidoo kalena dib u dhis lagu sameynayo Xerada Ciidamada Xoogga Dalka ee 21aad.
Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:
Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Blogger Comment
Facebook Comment