Ciidamada Kenya oo Raadinaya hogaamiye iyo afar qof Oo ay gawrac kuxukumeen shabaab

Bulsha:- Saraakiisha amaanka Kenya ayaa sheegay in xabsi ay maamulaan Al-shabab ay kasoo baxsadeen 5-qof oo ka tirsaneyd Al-shabaab kuwaas oo u baxsaday dhinaca Kenya.

wararka ka imaanaya dalka kenya ayaa sheegay in ciidamadda dalkaas ay baadigoobayaan raglasheegay in ay kasoobaxsadeen xabsi ay gacanta kuhayaan kooxda alshabaab.

wararku waxa ay intaas kudarayaan in raga soobaxsaday ay yihiin ilaa shan qofood kuwaas oo ay kooxda alshabaab uqorsheysay in ay gowracaan Axmed Iman Cali oo ka mid ah ragga baxsadka ah.

shanta ruux ee lasheegay in ay kasoobaxsadeen alshabaab ayaa si dhumalaysi ah ku gaaray Kenya iyagoo rajo weyn ka qaba inay kaga badbadaan dagaalamayaasha Al-shabab.

kooxdan baxsadka waxaa hogaaminaya  Axmed Iman oo kamid ah hogaamiyaasha Al-shabab ee shacabka Kenya ugu yeeri jiray inay ku biiraan bartamihii sanadkii tagay ee 2017kii.

Axmad ayaa  ayaa isaga baxay Al-shabab kadib marki ay gowraceen dhowr dhalinyaro oo Kenyan ah oo ay ku eedeyen inay basaasnimo iyo macluumadka sirta ah ee Al-shabab ay u gudbinayeen xukuumada Kenya.

shantaan qof ee  ka baxsatay xabsiyada Al-shabab ayaa la tilmaamay inay kasoo jeedan magaalooyinka  Lamu iyo Malindi waxana ay xirnaayen ilaa dhamadkii sanadkii tagay.

Warbixinada sirdoonka Kenya ay helaan ayaa muujinaya in dadka ugu badan ee Al-shabab ka tirsan lagu dhibaateeyo ay yihiin kuwa Kenya kasoo jeeda.
Muwadiniinta Kenyaanka ah ee Al-shabab ku jiray ee sanadkii lasoo dhaafay ay kooxda basaasnimo ku eedeysay kadibna gowraceen waxaa kamid ahaa Ardey horey wax uga bartay jaamacada Moi University Jared Mokaya Omambia, Faraj Abdulmajid, Ahmed Yusuf Hassan, Ahmed Nur Abdi Osoble, Abdullah Talal Musa, Hashim Othman Selali iyo kuwa kale.











Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment