Turkiga oo 5-dal Carbeed ku bixiya Dhaqaale iyo Taageere Militari oo Joogta ah.

Bulsha:- Wargeyska Al-Carabi ayaa warbixin uu ka daabacay taageerada Turkiga ee dalka Ciraaq, Siiriye, Soomaaliya, Jamhuuriyadda Suudan iyo Qatar ku sheegay in ay sii kordheen inta lagu guda jira sanadkaan sii dhamaanaya 2017-ka.

Ciidamada Ciraaq ee ka howl gala Waqooyiga dalkaasi ayaa warbixinta lagu sheegay in ay Turkiga ka helaan Taageero joogto ah, si ay ugu gacan sareeyaan Kooxda Daacish oo ay halkaa kula tagaalamayaan.

Danaha Turkiga ee Taageerista Ciidamada Ciraaq ayuu wargeysku sheegay in ay tahay in Meesha ay ka baxdo Awoodda Xoogga PKK ee ka dagaalama Soohdinta labada dal ay Wadaagaan.

Wadanka labaad ayaa Ah Siiriya.

Ujeedka ugu weyn ee Siiriya u taageerayo ayaa ah maadaama ay Xuduud Wadaag yihiin, in ay ka yaraadaan Qul-Qulka Siiriyaanka ee colaadda dalkooda ka jirta ka baxsanaya iyo in aanan saameyn dagaalada ka soconaya dalkaasi.

Wadanka Saddexaad Waa Qatar.

Taageeristiisa ugu badan ayaa soo ifbaxday markii ay dalkaasi yar go’doomiyeen Wadamada Khaliijka Kadib Markii ay ku eedeeyeen in ay taageerto waxa loogu yeero argagixisada, taasine waxa ay Turkiga ku sababtay in uu u diro Cutubyo katirsan Ciidamadiisa, si uu ugu jiheeyo indha lagu wada eegayo.

Sidoo kalane in aanan ku dhicin amni daro iyo dhaqaale xumo, maadaama labadaasi ay yihiin dhibaatooyinka ay adag tahay in laga soo kabsado.

Wadanka Afaraad waa Soomaaliya.

Taageerada Turkiga ee Soomaaliya ayaa soo shaacday sanadkii 2011-kii, kolkaasi waxaa Ku dhuftay abaar saameysay dadka iyo Duunyada, wixii xiligaa ka dambeeyane, taageeradii Turkiga ayaa isku badashay mid joogto ah.

Soomaaliya waxa uu ka furtay Saldhigii Turkiga ugu weynaa ee uu ka sameysto Meel ka baxsan dalkiisa, waxaana taa loo sababeeyaa, in Dowladda Soomaaliya ay Turkiga siisay dhulka ugu weyn ee wadan loo siiyo in Safaarad ka furto.

Saldhiggaas ayaa bishaan soo saaray Dufcadii ugu horeysay oo Ciidan Soomaali ah, balse ay qalabeeyeen Turkiga, tababarkane siiyeen isla macalimiin dalkaa ka socda.

Waxaa ku lamaanan:- Isbitaalo uu furay, Wadooyin uu dib u dhis ku sameeyey, Gurmadka Bani aadamnimo oo joogto ah, Dib u dhiska Garoonka Diyaaradaha, Hagaajinta Dekeda Muqdisho iyo Taageerista Dowladda Federaalka.

Wadanka Shanaad Waa Jamhuuriyadda Suudaan.

Todobadaadkii tagay Madaxweynaha Turkiga ayaa tagay wadanka Suudaan, waxa uuna wadankaan u arkaa in uu xiriir dhaw la sameysan karo, maadaama aysan kusii fogeyn Siyaasadda:- Sacuudiga, Imaaraatka iyo Masar oo loolan kala dhaxeeyo Turkiga.

Awood Ciidamadeedka Suudaan ayuu u arkaa in ay u baahan tahay in ay saaxiibo dhaw noqdaan, waxa uuna damacsan yahay in Saldhiggiisa Soomaaliya uu ku xiri karo Dowladda Suudaan.

Wasiirka Arrimaha Dibadda Turkiga ayaa kolkii uu dhamaaday safarkii Madaxweyne Ordegan ee Suudaan sheegay in ay labada madaxweyne ku heshiiyeen sidii loo aas-aasi lahaa Ciidamada Badda Turkiga ee ka howl gala Dalkaasi, si ay ula shaqeeyaan Ciidamadda Badda ee Suudaan.










Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment