Sawirro: Guushii Soomaliya iyo Xarunta Maamulka Hawada sida loo Daah-Furay

Bulsha:- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka ah ee Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa goor dhow xarigga ka jaray xarunta laga hagi doono Maamulka Hawada Soomaaliya oo markii u horeysay muddo 27 sano kaddib laga maamuli doono magaalada Muqdisho.

Munaasabadda oo lagu qabtay Xarunta Hey’adda Duulista iyo saadaasha hawada ayaa Madaxweynuhu waxaa uu kormeer ku sameeyay qalabka laga hagi doono Maamulka Hawada, isagoo boggaadiyay howsha socotat.

Madaxweynaha ayaa mar loo dhiibay qalabka isgaarsiinta ee laga hago diyaaradaha ku jira Hawada Soomaaliya, isagoo la hadlay diyaarado hawada ku jiray.
Waxaa Munaasabadda ka qeyb galay Wasiiro ka tirsan Xukuumadda, Xildhibaanada labada Gole, Madaxweynaha Galmudug, marti sharaf kale, qeybaha bulshada iyo madax ka socota Hey’adda ICAO.










Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment