Bulsha:- R/wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Xasan Cali Khayre ayaa dhowaan sheegay inaysan wax lacag ah ugu imaan Khasnada Dawladda, Waxayna Arintaasi dhalisay Dood iyo Muran ka yimid dhinacyo kala duwan.
Nuur Faarax Hanti-dhowrihii Hore ee Xilka laga qaaday ayaa sheegay in R/wasaare Khayre uu ilduufay, Wuxuuna sheegay inay lacag gaadhaysa 5-milyan ay ku Jirtay Khasnada Dawladda.
Hadii Khasnada Dawladda ay lacag ku jirtay maxay Dawladii hore u bixin wayday Xaquuqda Shaqaalaha Dawladda iyo Xildhibaanada ? Waxaa arintaasi sheegay Cabdi Barre Jibriil oo kamid ahaa Xildhibaanadii Hore.
Xildhibaan Axmed Macalin Fiqi ayaa dhankiisa is waydiiyey Cida ay Rumaysanayaan, Madaxda kala duwan ee Arintaasi isku Khilaafay.

Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:
Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Blogger Comment
Facebook Comment