MUUQAAL: Madaxwayne Farmaajo oo Muqdisho kusoo Noqday, Kadib Shirkii Dalalka Islaamka ee Turkiga ka Dhacay

Bulsha:- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Maxamed Farmaajo iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa maanta dalka dib ugu soo laabtay, kaddib markii ay ka soo qayb galeen shir Madaxeedka Ururka Iskaashiga Islaamka ee lagu qabtay Dalka Turkiga.


Madaxweynaha iyo wafdigiisa ayaa waxaa garoonka Diyaaradaha Muqdisho ku soo dhaweeyay mas’uuliyiin ka kala socotay golayaasha Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Madaxweynaha Dalka ayaa intii uu ku sugnaa magaalada Istanbuul ee Dalka Turkiga waxa uu kulamo gaar gaar ah la yeeshay qaar ka mid ah madaxdii shirkaasi ka qayb gashay, iyadoo ay hoggaamiye waliba ka wada hadleen xoojinta xiriirka wadamadooda.
Madaxweynaha ayaa Turkiga kaga soo qeyb-galay shir deg-deg ah oo ay isugu imanayeen Madaxda Dalalka ku bahoobay Ururka Iskaashiga Islaamka (OIC) markii uu madaxweynaha dalka Maraykanku ku dhawaaqay in magaalada Qudus ay tahay Caasimada Israa’iil.










Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment