Madaxweynaha Turkiga Erdogan si cad madaxda islaamka ugu sheegay in magalada Alle uu barakeeyay ee Qudus ay tahay ayna ahaan doonto caasimada Falastiin, Waxeyna madaxda islaamka oo dhan isku raaceen in Qudus dhinaceeda Bari ay tahay Caasimadda Falastiin.
“Waxaan hortiina ka cadeynayaa in Trump iyo Mareykanka ay faraha kala baxaan arimaha Qudus. Waa digniin aan u direeyno, “Qudus waa caasimada islaamka iyo walaalaha Falastiin, wallahi baan ku dhaartay cadaab ayaan ku muteysan karnaa hadii Yahuuda ay Qudus u noqoto caasimadooda” Hadalkaan waxaa hoolka shirka ka jeediyay Erdogan oo ah Gudoomiyaha ururka madaxda islaamka sanadka 2017-2018
Madaxweynaha Erdogan ayaa hogaamiyaasha islaamka hortooda ka sheegay in Yahuuda ay yihiin maamul goboleed argagixiso ah “Waxa ay isku dayayaan in ay dhacaan caasimada islaamka, waxey maalgaliyaan Daacish si wadamada islaamka uga dhigaan meel burbursan, “Waa argagixiso Israel, ma ahan maamul lala hashiin karo. Waxaan idinku dhiiro galinayaa in xiriirka loo jaro hadii arinta sidan ay ku socoto”.

Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:
Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Blogger Comment
Facebook Comment