VIDEO:- Raisulwasaarihii Lubnaan ee Sucuudiga Isku Casilay oo la keenay Paris

Bulsha:- Raysalwasaarihii Lubnaan Saad Hariri oo 4tii bishan sheegay inuu xilka isaga degay ayaa maanta oo sabti ah gaaray magaalada Paris kadib markii uu casumaad ka helay Madaxweynaha France.


Hariri ayaa kulan albaabadu u xiran yihiin la yeeshay Madaxweynaha France Emmanuel Macron oo isagu doonaya inuu xal u helo xiisada ka taagan dalka Lubnaan.

Xisbiyada dalka Lubnaan iyo dowlada ayaa aaminsan in Sacuudiga uu ku cadaadiyey Hariri inuu xilka iska casilo kadib markii u diiday inuu dagaal siyaasadeed la galo xisbiga shiicada Xisbullah oo ku jirta dowlada awood qeybsiga ku dhisan ee Lubnaan.

Iscasilaadii Hariri ee horaantii bishan ayaa ahayd mid si weyn loola yaabay oo kadis ah, Hariri ayaa wax yar kadib markii uu safar shaqo u tagay Riyadh caasimada Sacuudiga, kasoo muuqday Telefishinka dowlada Sacuudiga isagoo sheegaya inuu xilka iska casilay.

Xubno ku dhaw dhaw Saad Hariri ayaa warbaahinta horey ugu sheegay in Sacuudiga uu cadaadis xoogleh saaray Raysalwasaarahaasi isla markaana qoraalkii uu ka akhriyey telefishinka Sacuudiga ee iscasilaadiisa uusan xitaa isaga qoran oo ay usoo qortay Dowlada Sacuudiga.










Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment