Madaxwayne Farmaajo iyo Imaaraadka “Socdaalkii Dhimashada Danleyda “

Bulsha:- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabduulaahi Farmaajo iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa  u safri doona Wadanka isutagga imaaraadka Carabta isaga oo la kulmi doona Amiirka Dalkaas.

Labada hoggaamiye ayaa ka wadahadli doona xoojinta xiriirka labada dal ee soojireenka ah kaasoo leh dhaqan, dhaqaale iyo bulsho. Imaaraadka ayaa Soomaaliya usoo bandhigi doona in uu kordhin doona taageerada dhinaca amniga sida ladagaalanka Argagixisada, tababaridda iyo qalabaynta Ciidamada Xooga, taageero Maaliyadeed iyo Mashaariic kale oo dhinaca hormarinta ah si loo soo afjaro madmadowga taagan.

Miraha go’aankii dhexdhexaadnimada

7 June 2017 Soomaaliya ayaa qaadatay go’aan dhexdhexaadnimo ah kadib markii uu xoogeystay Khilaafka khaliijka wixii intaas ka dambeeyey Dowladaha Sucuudiga iyo Imaaraadka ayaa bilaabay in Soomaaliya ay saaraan culeys siyaasadeed oo ujeedkiisu ahaa in ay ka tanaasusho go’aankeeda laakiin markale ayey Xukuumadda Soomaaliya xoojisay go’aankii dhexdhexaadnimada.

Madaxda Maamul Goboleedyada ayay Sucuudiga iyo Imaaraadku u adeegsadeen dagaal siyaasadeedkoodii ugu horeeyey, hogaamiyaasha Gobolada ayaana lacago badan kusoo qaatay in ay dowladda hagardaameeyaan laakiin Siyaasadda furfuran waaqicigana ku dhisan ee dowladda uu hoggaamiyo Farmaajo ayaa ka takhallustay isku-daygaas kadib markii 28-kii Oct Madaxweynaha Jamhuuriyaddu uu shir deg deg ah hogaamiyaashaas ugu yeeray.

Isbedel ku yimid go’aankii Sucuudiga

Sucuudiga ayaa sameeyey dabac Siyaasadeed markii ay u meelmari weysay in uu awood siyaasadeed iyo mid lacageed u isticmaalo fulinta hadafkiisa Soomaaliya waxaana boqorka Sucuudigu codsaday in uu la kulmo Madaxweyne Farmaajo, casuumaad ayuuna boqorku uusoo diray Madaxweynaha Jamhuuriyadda.

Wafdi uu hormuud u ahaa Madaxweyne Farmaajo ayaa 26-kii September u ambabaxay Sucuudiga, wadahadal dheer kadib maamulka boqortooyada ayaa sheegay in Soomaaliya uu taageero dhinacyo badan ah siin doono iyada oo 50 Milyan oo dollar uu kusoo shubay Bangiga dhexe kuna darsoo Soomaaliya wali waxa ay ku sii taagantahay go’aankeedii.

Madaxweynaha Dalka Masar C/fitaax Al-siisii ayey Sucuudigu ka dalbadeen in uu ka taageero in meesha laga saaro madmadowga soo kala dhexgalay Soomaaliya iyo Sucuudiga waxa ayna taas muujineysay in Soomaaliya aysan marnaba u jileecin qar-iska-tuurnimada Sucuudiga iyo Imaaraadku sameeyeen.

Imaaraadku muxuu damacsanyahay?

Abuu Dhabi, ayaa si lamid ah tii Sucuudiga Casuumaad usoo diray Madaxweyne Farmaajo, Madaxweynaha ayaana todobaadkan ku wajahan isu-tagga Imaaraadka Carabta, Socdaal loo arko in uu soo afjari doono sidoo kale isgiijintii Imaaraadka.

Imaaraadka ayaa hadda diyaar u ah in Dowladda Soomaaliya uu si daahfuran ula shaqeeyo maadaama uu ku hungoobay adeegsiga Siyaasiin danleey ah oo horey wadanka ugu soo fashilmay, waxaana uu bixin doona lacagtii ugu horreysay oo uu ku taageerayo Soomaaliya taas oo mari doonta wadada wanaagga.

Heshiiska labada dhinaca ayaa sal u noqon doona In Imaaraadku uu bilaabo Mashaariic toos ah oo lagu hormarinayo dalka iyaga oo u hoggaansan nidaamka dowladnimo, shaqooyinka ugu horreeya waxaa ka mid noqon doona Taageerada dhinaca Ciidanka ah si argagixisada loo ciribtiro.

Dhimashada Danleyda

Waxaa sooyaal ahaa sandareerto-raac caadeystay inay isku dayaan majo-xaabinta qaranimada Somaliya iyagoo jaal la noqonaya wadamo ay u arkaan inay u kaashan karaan duminta dowladnimada wadanka oo Imaaratka ku jiro.

Waxaa la fahamsan yahay in xukuumadda Dubai ay xiriir xaraam lagu sifeeyay la yeelatay qaar ka mid ah hogaamiyeyaasha dowlad-goboleedyada iyadoo ay dullaaliin ka ahaayeen siyaasiyiinta guuldarreystay.

Sida la filayo marka uu guuleysto wadahadalka labada dhinaca waxaa dhiman doona damaca Siyaasiinta danleeyda ah oo horey ugu hungoobay talada wadanka qaarkoodna ku eedeysan lunsiga hanti qaran kuwaasoo Imaaraadku u adeegsan jiray inuu ku fushado ajandeyaasha uu ka leeyahay gayiga, taasoo ka dhalatay go’aankii geesinimada ahaa ee ay Somaliya ka qaadatay khilaafka dowladaha Khaliijka ay ku go’doomiyeen Qatar. Safarka Imaaraadka: Socdaalkii dhimashada Danleyda.

W/Q: Mohamed Qarandoon









Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment