Talooyin Ku saabsan sida la isaga Dhameeyo Baruurta Caloosha Adiga oo Tagin GYM

Bulsha:- Dad badan oo inaga mid ah waxaa quruxdooda iyo qaab dhismeedka jirkooda kala dhantaalay Xeerta ama baruurta ay ku leeyihiin Caloosha, dadka qaar ayaa sameeya talaabooyin kala duwan oo lagu yareyn karo baruurta Caloosha oo qaar-kood  ayaa ku guuleystay in ay iska dhameeyaan halka Qaarka kale ay ku fashilmeen talaabooyinkii ay sameeyeen, si ay u yareeyaan ama ay u baa’bi’iyaan baruurta caloosha, waa ay sahlan-tahay in aad Calool yeelato adiga oo aan is ogeyn balse waa ay adag tahay in aad baa’biso calooshaasi haddii aadan dadaalin.

Sidee ayaad ku yeelatay Baruurta aad ku leedahay Caloosha.

1.Waxa aad joojisay Xarakaadkii aad Sameyn jirtay ? Haddii aad tahay Rag waxa aad iska daysay markii aad garaadsatay gaar ahaan markii aad guursatay.

Banoonigii aad Ciyaari jirtay ,Dabaashii aad tagi jirtay ,Oradkii aad Sameyn jirtay ,Socodkii ama Lugtii aad Sameyn jirtay,Waxa aad dooratay in aad gaari ku dul joogto, ama aad gaari u raacdo meel aad u socon karto,Waxa aad dooratay in aad Maqaayad ka cunteyso adiga oo aad iska hubin heerka uu la’eg yahay dufanka lagu Sameeyo cuntooyinka Maqaayadaha, Ama Hoteelada,Waxa aad dooratay in aad Habeenkii Cunto, cuno Culus adiga oo Caano Lo’aad Cabayo,sababta oo ah Xaaskaaga kaama yeeleyso ma cunayo Casho,adiguna ma barin in cunto fudud ay kariso habeenkii sida, Qudaar ,Miro,Ukun iyo wixii la mid ah.
Haddii aad tahay Dumar :
Waxa aad jeceshahay in aadan Socon oo aad gaari raacdo ama Bajaaj,Waxa aad jeceshahay in aad wax cunto oo aad seexato si ay cuntada ugu degto,Waxa aad doorataa in aad cabto cabitaanka Shiidan sida , Canbaha, Babaayga ,Zaytuunka iyo wixii lamid ah,Waxa aad jeceshay in aad waxyaabaha Macmacaanka ah Cunto marka aad filimka Daawaneyso, Sheekeyneyso ama aad Chatting ku jirto,Marka aad dhasho, ma xirtid Caloosha waxa aad cuntaa cunooyin kugu biirin karo dufanka , sida Hilibka la Shiilay, Maraqa, Mushaarida, Caano, Cabitaan Shiidan iyo waxyaabo kale oo sahli kara in calooshaada oo jilcan ay korto,Ma jeclid in aad dhaqdhaqaaqo xiliga aad fursada heyso oo waxa aad ka door bidaa in aad seexato.
2.Dhib intee la ‘eg ayay kugu heysaa Xeerta aad ku leedahay Caloosha. Haddii aad Tahay  Rag.

  • Suurta Gal kuuma ahan in aad Suunka ka xirato Halka loogu talagay ,oo waxa aad ku qasban tahay in aad Qaska Kor-kiisa ka xirato.
  • Marka aad fariisato way ku cadaadisaa sababta oo ah suunka kuu xiran ayaa saameyn ku leh.
  • Waxa ay kaa Xanibtaa shaqooyin badan oo aad gudan laheyd xiliga aad la kulmeyso Xaaskaaga.
  • Suurta gal ama ahan in aad jirkaaga wada aragto marka aad Suulida ku jirto.
  • Marka aad socod Boobsiineyso ama Aad ordeyso waxa aad dareemeysaa Culeys ama cadaadis ay kugu Heyso Caloosha.

Haddii aad Dumar ama Haweeney tahay, Dhib intee la eg ayay ku heysaa Baruurta Caloosha.

  • Suurta gal kuuma ahan in aad Xirato Goono ama Saako ku dhagan Jirkaaga sababta oo ah waxaa muuqaneysa Baruurta Caloosh taasi oo kala dhantaaleyso Qaab dhismeedka Jirkaaga iyo labiskaaga.
  • Marka aad fadhiisato way ku Cadaadisaa.
  • Si sahal ah uma wada Arki kartid jirkaaga gaar ahaan Qaarka danbo.
  • Si la mid ah Raga waxa ay kaa xanibtaa shaqooyin badan oo aad qaban laheyd marka aad la kulmeyso Seygaaga.

Sidee ayaad ku dhameyn kartaa Baruurta ama Xeerta  Caloosha ku leedahay.

  • Subax waliba Cab ugu Yaraan labo Koob oo Biyo Diiran ah adiga oo ku darayo hal xabo oo Liin dhanaan ah.
  • Marka aad Tukato illaa iyo 20 ama 30 Mar Soo taabo faraha lugahaaga adiga oo dhabar dhabar u seexanayo.
  • Ugu yaraan Maalinkii soco 30 Daqiiqo, oo toos ah adiga oo jirkaagu siman yahay ,una soco si quman oo aan cago jiid aheyn.
  • Samey Xarig ka bood ugu yaraan 50 ama 100 Mar si joogto ah.
  • Iska jooji isticmaalka Macmacaanka, sababta oo ah waxa ay jirka ku siyaadiyaan Sonkorta ,taasi oo isku badasho baruur ama dufan.
  • Ha cunin habeenkii Cunto Culus iyo Mid Shiilan toona,
  • Ku Cashey Habeen Xabad Tufaax ah, Xab moos ah , Gabal Babaay ama Canbo ah adiga oo xoogaa Ansataalo ah ku darsanayo.
  • Cab Ama isticmaal Green tea adiga oo aadan ku darin wax sonkor ah sababta oo ah waxa ay dishaa ilaa 70 calories ah.
  • Ha iska Badin Cuntada oo ka- kac adiga oo u baahan cunto waliba.


10 . Cunto Xumada ama Cuntada oo laska badiyo waxa ay jirka fursad u siiyaan in uu naaxo ama Cayilo, waa in aad cuntaa cunto isku dheela tiran.

W/Q Nasriin Maxamed Ibraahim.










Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment