DAAWO Aqoonta Caafimaadka galmada:­ Imisa jeerbaad u baahantahay Isbuuci?

Bulsha:- Waxa mar kasta dhakhaatiirta u yimaada dad doonaya inay kala tashadaan inta jeer ee ay isu galmoon karaan iyadoon wax dhibaato ahi ku imaan caafimaadkooda. Ha yeeshee, lama helayo jawaab ku wada habboon dadka oo dhan, sababta oo ah bani’aadmigu waxa uu ugu kala duwan yahay rabitaanka jinsiga, sida uu ugu kala duwan yahay xagga da’da, awoodda, dareenka, iwm. Waxa la yiri: “Qofka caaqilka ahi waa kan saddex waxyaabood joogteysta, ha yeeshee aan badsan: Cuntada, socodka iyo galmada. Waxa kale oo la yiri: “Geedka ninku waa sida candhada xoolaha, haddii la liso wuu dararaa oo godladaa, haddii la daayana wuu gudhaa. Nin tilmaamaya siduu galmada u jecel yahayna wuxuu yiri: “Saddex baan la’iga maareyn karin: Hilib la cuno, hilib la koro (sida fardaha) iyo hilib hilib lagu liso (sida haweenka)”. Nin baa asagoo wiilkiisa la dardaarmaya ku yiri: “Wiilkeeyow, dumar la xaajoodkood haku dheeraan yaanad ka xiisin ayana kaa xiisa dhicine, inaad ka joogsato adoo u jeellan baana laguu qaatay intay adoo jilican ku jiidjiidi lahaayeen”. Culimada Islaamka qaar uu Cali bin Abii­Daalib (RC) ugu horreeyaa waxay go’aamiyeen in ninku u galmoon karo xaaskiisa hal jeer afar iyo labaatankii saacba (habeen iyo maalin), inayba dhiig qabto mooyee, halka qaar kale ka gooyeen  inuu afartii maalmoodba mar u tago, maadaama uu Alle afar dumar ah u banneeyay, hadduu caddaalad wax ugu qaybinayana ay mid waliba afartii maalmood maalin leedahay. Tiradaasi ­ bay leeyihiin­ intaas wuu ka yarayn karaa ama ka badin karaa, ha yeeshee waa inuu xaaskiisa la tashadaa, il gaar ahna ku eegaa rabitaankeeda, inkastoon haween la harraad goyn karin. Si kastaba arrintu ha ahaatee, labada ruux ee isqabaa waxa ay isu galmoon karaan mar kasta oo ay iska gartaan rabitaan iyo inay u dulqaadan karaan galmada, iyagoon dareemin wax aan ka ahayn xoogaa yar oo daal ah oo yimaada kolka ay hawsha galmadu dhammaato. Tusaale ahaan, hadday galmadu dhacdo habeen, waxa lama huraan ah in daalka ka dhashaa uu baaba’o jiifka hortiis, subaxdiina labada ruux ay shaqadooda u baqoolaan iyaga oo ay ka muuqato firfircoonaan dheeraad ahi. Haddiise ay toosaan iyaga oo daal iyo tamardarro la ildaran, jirkoodana meel waliba jaban tahay, ama ay dareemaan gaajo iyo lalabbo, amaba cajarrada oo uu culays ka saaran yahay, iyo weliba jilbaha oo xanuunaya. Waxaasi oo dhami waxay tusaale u yihiin in habdhiska taranku uu gudbay xuduuddii awooddiisa iyo qaaciddadii macquulka ahayd. Waxaad haddaba halkaasi ka garan kartaa in firfircoonaanta iyo caafimaad qabka maalintii ay daliil u yihiin inta jeer ee saxda ah ee la isu galmoon karo. Waxaa jirta in ciyaaraha isboortiga, iwm., ay qayb libaax ka qaataan dhismaha jirka. Ragga feerka ciyaara mar kasta oo ay murqohoodu sii dhismaan, jirkooduna sii xoogaysto, xiniinyahoodu waa ay sii yaryaraadaan. Ragga caynkaasi ahi kolka ay gaboobaan ma tamardarreeyaan, sababta oo ah waxa sii baaba’a qanjirradooda taranka. Ha yeeshee dumarka aan loo galmoon, jirkoodu waa uu kala daataa iyaga oo dhallinyaro ah, sababta oo ah ugxansidayaashooda ayaa joojiya soo saarista ugxanta. Sida caadiga ah, kolka galmada hore ay dhex
 












Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment