Bulsha:- Haweenay aroosad ahayd ayaa xiligii lagu guda jiray arooskeeda sun caano ugu dartay dadkii ka qaybgalayay, halkaasoo ay ku dhinteen illaa 15 qof, waxaana arintan ay ka dhacday magaalo ku taalla dalka Pakistan.
Sideed qof oo kale ayaa isbitaalka u jiifa sunta ay cabeen magaalada Multan ee dalka Pakistan kuwaasoo caloosha laga geliyey tubooyin ka soo saara suntan.
Booliiska waxa ay sheegeen in Asiya Bibi ay sunta u qastay ninkeeda, balse uu isaga cabi waayay caanaha, badalkiisana ay cabeen dadkii xafladda kasoo qeybgalay oo u badnaa qaraabada ninka.
Taliyaha booliiska degmada Muzaffargarh Aweys Axmed Malik ayaa sheegay in nooca sunta ay haweenayda isticmaashay la ogaan doono oo kaliya marka baaritaan lagu sameeyo.
Haweenaydan ayaa lagu qasbay guurka , waana wax iska caadi ah dadka fuqurada ah ee dalka Pakistan in guurka lagu qasbo si qoyska ay dhaqaale uga helaan.

Warbaahinta dalkaas ayaa sheegtay in Asiya ay dhawr jeer isku dayday in ay baxsato balse ay u suurtoobi weysay.

Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:
Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Blogger Comment
Facebook Comment