Madaxweynaha Masar oo sheegay in dowladdiisu ka qeyb qaadaneyso dagaalka Al-shabaab

Bulsha:- Madaxwaynaha dalka Masar Abdel-Fattah Al-Sisi ayaa Arbacadii ku dhawaaqay adkeynta waddankiisa ku aadan midnimada iyo madax banaanida Soomaaliya, kadib markii uu qadka telefoonka kula hadlay Madaxweynaha Soomaaliya.

Afhayeenka Al-Sisi ayaa yimid intii lagu jiray wicitaan uu la yeeshay dhiggiisa Soomaaliya Maxamed C/laahi Maxamed (Farmaajo), sida ay ku warantay Wakaaladda wararka ee MENA.

Labada Hoggaamiye oo waqti kooban wada hadlayay ayaa isla soo qaaday qaabkii loo xoojin lahaa xiriirka wadajirka ah iyada oo la sii wanaajinayo iskaashiga labada dhinac ee la dagaalanka argagixisada iyo xagjirnimada.

Sidoo kale dhinacyadan ayaa waxa ay dib u eegeen horumarkii ugu dambeeyay ee Soomaaliya iyo dadaalka xukuumadda Soomaaliya ay ku soo celisay amniga iyo xasiloonida, si loo fuliyo rabitaanka shacabka Soomaaliyeed.
Madaxweyne (Farmaajo) ayaa dhankiisa Al-Sisi ku ammaanay doorka Masaarida ee taagerada waddankiisa iyo taageerada ay u fidiso xasilloonida, wuxuuna sheegay inuu ka rajeynayo hormar intaas ka buuran.

Waxa uu sii faah faahiyay xiisaha uu u qabo sii wadida wadashaqeyn heer sare ah iyo wadatashiyo lala yeesho Masar oo la xiriira arrimaha kala duwan ee danta guud oo ay ka mid tahay la dagaalanka Argagixisada.

Madaxweynaha Soomaaliya iyo wafdi uu hoggaaminyo ayaa gaba gabadii bishii August ee sanadkan waxa ay booqasho ku tageen dalka Masar, halkaasi oo ay ku soo qaateen booqasho qaadatay maalmo kooban, wuxuuna la soo kulmay Madaxweynaha Masar oo uu kala soo hadlay arrimo badan.










Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment