8 Maxbuus oo ku Muslimay xabsi ku yaalla Dubai

Bulsha:- Sideed ka mid ah Maxaabiista ku xiran Xabsiga dhexe ee Magaalada Dubai dalka isu tagga Imaaraadka Carabta ayaa qaatay Diinta Islaamka kaddib markii ay ka heleen sida ay ula dhaqmeen ilaalada Xabsiga.

Ali Maxamed Al-shamali oo ah agaasimaha guud ee laanta xabsiyada Dubai, in Maxaabiistan ay xabsiga ku heleen daryeel wanaagsan islamarkaana ay qaateen Diinta Islaamka.

Waxaa kale oo uu intaas ku daray in intii ay ku jireen Xabsiga aysan la kulmin cusuriyad la xiriirta waxa ay aaminsanyihiin,islamarkaana si wanaagsan loo baray dhaqamada iyo dabeecada Islaamka.

Sucuud Caziiz Al-Raxmaan oo ah Sheekh caan ka ah gudaha Imaaraadka ayaa Maxaabiistan Islaamka ku biirtay u qabtay Towxiidka,waxaana uu intaas kaddib Booliska Dubai uga mahad celiyay dhaqanka Wanaagsan ee ay kula dhaqmeen Maxaabiistaas oo aan markoodii hore Muslim ahayn.

Waxaa kale oo uu u mahad celiyaya Shaqaalaha Xabsiga dhexe ee Dubai oo aan Maxaabiista u kala saarin,Midib,Diin, dhaqan iyo wax yaabo kale.
21kii Bishan ayaa sidoo kale saddex ka mid ah Maxaabiista Xabsiga dhexe ee Sharjah ay qaateen Diinta Islaamka kaddib markii ay sheegeen in ay ka heleen dhaqanka wanaagsan ee Islaamka,saddexdaas Maxaabiis ayaa u dhashay Dalka Philippines.











Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment